Swan oo baaq u diray hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay shir deg-deg ah ka yeeshaan is-faham-waaga doorashooyinka waddanka.

Diblumaasigan Ameerikaanka ah ayaa dalabkan u soo jeediyey madaxda Soomaalida xilli uu Dhuusamareeb ku sugnaa isla markaana uu wadahadalo la yeeshay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye.

Qoorqoor iyo Swan ayaa shirkooda waxay diiradda ku saaraan qaabka ugu wanaagsan ee xal kama dambeys ah looga gaari karo khilaafka.

Swan oo shirka kadib u waramay warfidiyeenka ayaa ku nuux-nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in wadaxaajoodyadda ay kasoo baxaan habraac loo-dhan-yahay oo waafaqsan heshiiskii 17-kii September ee 2020-kii.

"Mar kale, waxaan hoosta ka xariiqayaa aragtida Beesha Caalamka ee ah in ahmiyada koowaad la siiyo wada-ogolka; dalka oo mudnaanta la siiyo waa waxa ay Soomaaliya u baahan waqti xaadirkan si ay u hesho nabad iyo xasilooni," ayuu saxafadda u sheegay James Swan.

Heshiiskii September oo xeerinaya in doorashada noqoto mid dadban ayaa xusaya in Xildhibaanadda ay laba degaan doorasho kusoo kala xulayaa 101 ergo. Balse, fulintiisa waxaa soo wajahay caqabado kala duwan oo dhowr ah.

"Waxaan ugu baaqayaa hogaamiyeyaasha Soomaaliya in ay gunta dhiisha isaga dhigaan wadahadal doorashooyinka qaranka lagu qabanayo ayadda oo la raacayo heshiiskii 17-kii September lana waafujinayo qodobada bud-dhiga u ah daahfurnaanta oo ah in laga wada qeybgalo," ayuu Swan tibaaxay.

Caqabadaha soo wajahay dhaqan-gelinta heshiiskaas waxaa ugu weyn saddex qodob oo kala ah; ciidanka dowladda geysay gobolka Gedo, faragelinta ay ku sameysay guddiyada doorashada iyo xulista wakiialda Somaliland.

Maadaama muddo xileedka dastuuriga ah ee dowladda gabagabo yahay, Beesha Caalamka oo daneeyeyaasha kamida ayaa maalmihii dambe wada dedaalo xal lagu goobayo kahor 8-da Febraayo oo waqtiga xukuumadda hadda jirta uu ku eg-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM