Puntland iyo Jubaland oo lagu bogaadiyey shaacinta guddiyada

Image

JOWHAR, HirShabelle - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa soo dhaweeyay xubnaha guddiyadda ee ay magacaabeen Puntland iyo Jubaland.

Swan oo Khamiista maanta ah booqdey magaaladda Jowhar ayaa shaaca ka dhigay in talaabadan ay tahay mid u wanaagsan rajadda laga qabo in ay kulmaan madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa caasimadda maamulka Jowhar wuxuu kula kulmay madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe kaasoo ay kawada hadleen arrimaha doorashoooyinka iyo muranka ka jira.

Barta Twitter-ka ee Xafiiska Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Swan uu hoosta ka xariiqay muhiim ay tahay in doorashooyinka ay waqtigooda ugu dhacaan si daahfuran.

"Magaalada Jowhar, wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay'adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM, ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda, iyagoo kala hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Isagoo warbaahinta maanta kula hadlayey magaalada Jowhar, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxa uu soo dhoweeyey magacaabista Puntland iyo Jubaland ee guddiyada doorashooyinka isagoo ku tillaabadaas ku tilmaamay mid "wax ku ool ah" waxa uuna xusay in kulanka lagu baaqay ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah uu yahay mid waxtar leh".

Puntland iyo Jubaland ayaa qoraal wadajir ah waxay ku shaaciyeen in ay gudbiyeen xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka kuna baaqay shir deg deg oo qabsooma 30-ka Janaayo ee sanadkan 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM