Taallo loo dhisay dadkii lagu xasuuqay Qarixii 14-ka October [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiinta Soomaalida ayaa ka taagey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho taallo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay qaraxii sanadkii tagey, oo ahaa midkii ugu dhimashada badnaa Taariikhda oo maalinta Axada ah loo baroor diiqi doono. 

In ka badan 700 oo qof ayaa lagu dilay qaraxii 14kii October sanadkii hore, kuwaasoo Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in loo sameynayo munaasabado heer qaran ah oo lagu xasuusanayo maalintan "masiibada" leh ee shacabka lagu xasuuqay.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa ka dhacay mid kamid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan caasimadda, iyadoo uu burburiyay aagga oo dhan oo ku yaalleen goobo ganacsi iyo huteelo, iyadoo uu dilay dadkii xilligaasi goobta marayay iyo kuwa meel ka fog Isgoyska Zoobe joogay.

Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay, iyadoo illaa hadda la la'yahay dad badan, oo qoysaskooda ka rajo dhigeen inay nool yihiin, iyadoo loo maleynayo inay qaraxa ku gubteen oo ciida ku darsameen.

Dhismo bir ka sameysan, oo lagu xardhay midab buluug ah islamarkaana dhexda looga qorey 14ka October far gaduudan oo ay dhistay dawlada hoose ee Xamar, ayaa laga taagey Zoobe, halkaasi oo astaan u noqonaysa dadkii halkaasi ku dhintay oo sanad walba lagu xasuusan doono taallada.

Muqdisho oo wali ka muuqdaan daqaradii dagaalkii Sokeeye, ayaa isku diyaarinaysa inay xasuusato kuwii looga dilay qaraxii 14-kii October, iyadoo murugada naxdinta leh ay wali dhega shacabka ka yeerayso, islamarkaana maskaxdooda ku noqotay midaan ka go'aynin dhacdadan xanuunka badan.

Qaraxan wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa, balse dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Kooxda Al Shabaab oo looga bartay weerarada noocan ah inay ka fuliso dalka, gaar ahaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM