Taariikhda taliye ku xigeenkii ciidamada cirka ee geeriyooday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Alle ha u naxriistee, waxaa galabnimadii Talaada ku geeriyooday caasimadda dalka, taliye ku xigeenkii ciidamada cirka, Jenaraal Maxamed Aadan Samatar, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Marxuumka oo ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho ayaa dhowaan laga soo celiyay dalka Hindiya oo caafimaad loo geeyay, balse wax looga soo qaban waayay xaaladiisa.

Wasiirka Difaaca, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe], oo ka hadlay dhimashada Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, ciidamada cirka iyo dhamaan qaraabadii uu ka baxay Marxuumka.

Generaal Maxamuud Sheekh Cali [Dable-Beyloot], Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya oo dhankiisa sheegay in ay murugada la qaybsanayaan qoyska marxuumka ayaa amaanay shaqsiyada taliye ku xigeenkiisii.

- Sooyaalka Maxamed -

Jenaraalka oo kasoo jeeda qoyska reer Samatar ayaa ciidamada cirka kusoo biiray sagaashameeyadii, isaga oo tababarka kusoo qaatay dalka Ciraaq.

Marxuumka ayaa si wayn ugu taqasusay dhinaca arrimaha Saadka, oo tan iyo markii uu ciidamada kusoo biiray uu ka shaqeynayay qaybtaasi.

Maxamed ayaa kahor inta uusan dhiman waxa uu sidoo kale hayey jagadda Maxada Saadka ciidamada cirka Soomaaliyeed.

Waxa uu ifka kaga tegay xaas iyo caruur, kuwaasi oo dowlada federaalka Soomaaliya looga fadhiyo haatan in ay kafaala qaado.

Sikastaba ha ahaatee, marxuum Maxamed Aadan Samatar ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah aas ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin kala duwan loogu sameeyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM