Tahliil oo damaanad lagu sii deynayo xili ay soo idlaatay dhageysiga kiiska

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdirisaaq Xusmaan Tahliil [Ina Calool Geele] ayaa markii saddexaad maanta kasoo muuqday maxkamada ciidamada ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda uu qorshuhu ahaa, xeer-ilaalinta ayaa laga sugayey in ay xeer-beegtada hor-keento caddeymo iyo marqaatiyaal ka baxsan kuwii ay maxkamada Puntland ugu xukumeen dil toogasho marna cafis loogu fidiyey.

Maxkamada oo kiiskaan lagu soo wareejiyay bishii September 2018 ayaa laashay gebi ahaanba xukunadaasi, talaabo ka dambeysay racfaan uu qaatay eedeysanaha.

Axmed Jiinow Xasan, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha maxkamada milatariga, oo qiray in aysan hayn marqaatiyeyaal iyo caddeymo dheeraad ah, ayaa soo jeediyay in la saaro Tahliil talaabooyin amni.

"Maadaama caddeymaha ay yihiin kuwa xukuno loogu riday ayna laashay maxkamada, waxaan soo jeedin lahayn la saaro talaabooyin amni oo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqiisa," ayuu u sheegay garsoorka.

Xeer-ilaalinta ayaa asbaahaha ay u soo jeedisay arrimahaasi waxay kaloo ku sheegtay in xukunada lagu riday Tahliil iyada oo degaanada uu kasoo jeedo ay ka jireen colaado.

Qareenada difaacayey Tahliil oo soo dhaweeyay soo jeedinta dacwad-oogayaasha ayaa dalbaday in damaanad lagu sii daayo Tahliil xili ay wacad ku mareen in ay mas'uuliyad kasta oo ka timaado ay iyaga qaadayaan.

"Inaga oo ka duulayna soo jeedinta xeer-ilaalinta, inaga [qareenada] iyo muwakilkeena waxaan balanqaadeynaa in uusan ku kaci doonin falal liddi ku ah amniga iyo gobolka," ayuu yiri Cabduqaadir Maxamed Xuseen.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sidda oo soo xiray fadhiga maxkamada ayaa shaaciyey in go’aanka ugu dambeeya ay maxkamada soo saari doonto maalmaha soo aadan.

Cabdirisaaq Tahliil, madaxii hore ee Amniyaatka iyo Dhaqaalaha gobolka u qaabilsanaa Al-Shabaab, oo kiiskiisa uu taagnaa tan iyo 2012-kii ayaa wajahaya dacwad la xiriirta Shabaabnimo iyo qaraxyo ka dhacay Galkacyo.

Sidda ay sheegeen qareenada Tahliil, waxa ay rajo wayn ka qabaan in damaanad ay wehliso aduun lacageed aysan jaan-goyn lagu sii deyn doono kalyeentigooda.

Khuburada garsoorka ayaa aaminsan in go’aanka maxkamada uu noqonayo midkood; in xabsiga lagu sii hayo inta caddeymo laga helayo ama in damaanad lagu sii daayo maadaama xeer-ilaalinta gacanta ka taagtay kiiskaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM