Tahliil oo la amray in lasii daayo iyo in uusan ka bixi karin Muqdisho 2 sano

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah amartay in xorriyadiisa loo celiyo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil [Ina Calool Geelle], "hadii aysan jirin dambi kale".

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay maxkamadda, Mr Tahliil ayaa lagu waayey dacwad la xiriirta in uu ka tirsan yahay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Intaasi waxaa wehlisa, maxkamadda ayaa ku amartay Tahliil in uusan ka bixi karin magaaladda caasimada ah ee Muqdisho muddo laba sano ah.

Laamaha amaanka dowladda federaalka ah ayaa la faray in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa Tahliil inta uu ku sugan yahay magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca.

Go'aanka maxkamada ayaa ka dambeeyay markii dacwad oogayaasha uu ku guuldareystay in ay keenaan caddeymo iyo marqaatiyaal dheeraad ah.

Puntland ayaa horey dil toogasho ugu xukuntay Tahliil tirro laba jeer markii ay ku eedeysay Al-Shabaabnimo iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Galkacyo. Balse Racfaan ayuu ka qaatay.

Markii uu xafiiska yimid, madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa cafis kusii daayey Tahliil oo ay si wayn u garanayaan hay'addaha amaanka Puntland.

Balse maxkamada Ciidamada ee fadhigeedu yahay Muqdisho oo bishii hore laashay dhamaan xukunadaasi ayaa dib u furtay kiiskaan oo taagan tan iyo sanadkii 2012-kii.

Laamaha amaanka dowlada Puntland ayaa 2012-kii ka qabtay Tahliil duleedka xarunta gobolka Mudug, isaga oo waatay gaari ay u saaran yihiin Qaraxyo iyo agab kale.

Tahliil ayaa la sheegay in uu ahaa Madaxa Amniyaatka iyo Dhaqaalaha ee kooxda xiriirka la leh Al-Qaaicda u qaabilsanaa gobolka ay ka kala armiyaan Puntland iyo Galmudug.

Dowlada Mareykanka oo xaqiijisay in ay kaalin ku lahayd soo qabashada Tahliil ayaa sheegtay in ay baareyso hadii uu haysto dhalashada dalkaasi maadaama uu dhowr jeer u safray wadankaasi.

Maxkamada milatariga Soomaaliya ayaa inta badan waxa ay xukuno ku ridaan shaqsiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, waana markii ugu horeysay oo ay laasho xukun ay rideen garsoorka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM