Taliska Xabsiga Dhexe oo beeniyay in la dhaawacay Maxbuus ajnabi ah

Image

MUQDISHO, Somalia - Maxamed Sheekh Cumar, taliyaha xabsiga dhexe ee Muqdisho, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay dhaawac la sheegay xabsiga ugu geysteen rag ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Daacish maxbuus British ah, Antony Thomas Cox.

Cox oo haysta dhalashada Faransiiska iyo Ingiriiska waxaa lasoo wariyay in looga dhibaateeyay qoorta Sakiin, balse, mas'uuliyiinta ayaa gabi ahaanba gaashaanka ku dhuftay wararkaasi, oo ku tilmaamay waxba kama jiraan.

"Is-jiid-jiid yar un buu ahaa…mana ahayn war u qalmay in warbaahin laga sheego..waadna iska taqanaaa dagaal maxbuus," ayuu taliyuhu yiri, isaga oo khadka telafoonka ugu waramaya warsidaha Garowe Online.

Sida uu xogta ku helay GO, markii uu soo baxay warka ku aadan in eedaysanaha la dhaawacay, waxaa booqasho ugu tegay mas'uuliyiin ka socoto safaarada Ingiriisku ee magaalada Muqdisho.

Xubnahaan oo indha-indheeyay xaalada caafimaad ee maxbuuska ajanbiga ah ayaa soo arkay inay tahay mid wanaagsan, sida uu mar kale ka dhawaajiyay taliye Maxamed Sheekh Cumar.

"Haa way yimaadeen..waxay arkeen inay xaaladiisu tahay mid fiican, aysana jirin dhaawac loogu geystay Sakiin," ayuu ku jawaabay markii warsidaha GO uu su’aalay arrimo ku xeeran socdaalka madaxda safaraada.

Ugu dambeyntii, taliye Maxamed Sheekh Cabdi, ayaa si cad uga dhawaajiyay in cid kasta oo dooneysa inay eegto xaqiiqada waxa dhacay ay soo dhawaynayaa, isaga oo casuumaad ufidiyay warbaahinta maxaliga ah

Antony Thomas Cox oo xabsiga la dhigay todobaadkii hore ayaa ku eedaysan inuu khal-khal geliyay amniga qaranka markii lagu qabtay madaarka caasimada isaga oo watay walxo looga shakiyay qarax, balse, noqday suntan dadka ka ilmeysiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM