Taliska xoogga dalka Soomaaliya oo ka jawaabay maqaalkii Foreign Policy

Image

MUQDISH - Taliyaha hoggaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare CabdiXamiid Sheekh Cali Xaydar oo ka jawaabayay maqaal lagu daabacay Majalada Foreign Policy oo looga hadlayay xaaladda ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay macluumaadka ku jira warbixintaas.

Wuxuu sheegay in sarkaalka ka tirsan ciidamada AMISOM oo ay soo xigatay Jariiradda ay sharciga lasoo tiigsan doonto dowladda Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay xogta ku jirta maqaalkaas mid “sumcad dil ku ah sharafta ciidamadda xooga Soomaaliyeed”.

Taliye Xaydar ayaa cod dheer daboolka uga qaaday in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa uu hadda dib u dhis ku socdo, islamarkaana kasoo kabanaya burburkii dalka oo uu qiray inuu saameyn xoogan u geystay ciidamada kal duwan ee uu dalka lahaa.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayuu yiri Taliyaha, “Waxaan si xoogan uga soo horjeednaa macluumaadka warbixintaas. Dowladda Soomaaliyeed waxay sharciga lasoo tiigsan doonto Kornaylka ka tirsan AMISOM ee lagu soo xigtay maqaalkaas."

Dowladda Uganda ayuu ugu baaqay Taliye Xaydar inay raali-gelin iyo jawaab cad ay kasoo bixiso Gaf uu sheegay inuu Kornaylkaas u geystay ciidamadda xooga Soomaaliyeed, maadaama ay qayb ka yihiin howlgalka Nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

“Ciidamada Soomaaliyeed iyaga oo nabad-ilaaliyaal ah ayay dalka Uganda u tageen inay xasiliyaan dalkaas. Waxaana ka dooneynaa in sarkaalka Yugaan-dhayska uu dowladiisa ay raali gelin buuxda ay ka bixiso,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Taliyaha.

Maqaalka lagu daabacay Majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy oo xambaarsanaa macluumaadyo kala duwan ayaa wuxuu abuuray hadalheyno badan, taasoo tooshka ku ifisay fashilka wali ka taagan inay Soomaaliya dhisato ciidamo xoog leh. Halkaan ka akhri warsidaha Garowe Online oo daabacay maqaalka Foreign Policy.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM