Taliyaha AFRICOM oo socdaal ku yimid Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha howlgalka Mareykanka ee qaaradda Afrika, Jeneraal Stephen Townsend, ayaa wuxuu socdaal ku yimid magaalada caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho, sidda lagu sheegay qoraal.

Townsend ayaa la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, wasiirka difaaca Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji, taliyaha ciidamada Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, iyo taliyaha AMISOM, Diomede Ndegeya.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Townsend ayaa kala hadlay dhinacyadda xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo gulufka ka dhanka ah maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

"Townsend wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xal caalami ah iyo baahida loo qabo in lasii wado cadaadiska shabakada Al-Shabaab si dabar-gooyo," ayaa lagu yiri bayaankan nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Intii uu ku guda jiray safarkan, Jenraal Stephen Townsend ayaa kormeeray markab ay leeyihiin ciidanka Mareykanka oo tan iyo 31-kii December ku sugan biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa qeyb ka ahaa bixitaanka ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya kadib amar kasoo baxay madaxweyne Donald Trump.

Socdaalkan aan lasii shaacin wuxuu kusoo hagaagayaa xilli Mareykanka uu ciidamadda u joogay Soomaaliya u wareejiyay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in bixitaanka askarta Ameerikaanka aysan ahayn mid kama dambeys ah, waxaana ay kalsooni weyn ka muujisay in ay waddanka kusoo laaban doonan lix bilood kadib.

Ciidanka Mareykanka ee laga wareejiyay Soomaaliya ayaa tiradoodu ahayd 700 boqol askari kuwaas oo qaban-jiray shaqooyin ay kamid yihiin tababarida dhigooda Soomaaliya iyo fulinta duqeymo ka dhan ah xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM