​Taliyaha AMISOM oo xilka la wareegay

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha cusub ciidamada AMISOM Jeneral  Cismaan Nuur Subagle, ayaa maanta 19 July, 2016 si rasmi ah ula wareegay hogaanka ciidamadaasi isagoo lagu badalay taliyihii hore Gen. Jonathan Rono.

Subagle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Francisco Caetano Madeira, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan xaaladda ciidamada iyo qorshayaasha cusub ee u dajin doonaan sugitaanka amniga waddanka.

Madeira, ayaa ka hadlay taliyaha cusub, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan islamarkaana imaanshihiisa Muqdishu kusoo aaday xilli muhiim ah oo ay doonayeen inay kawada hadlaan waxa u qabsoomay 2016.

“Janaraalka ayaa yimid waqti aan doonayno in howlgalka AMISOM dib u eegis lagu sameynayo sanadkan 2016, waan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay iyo wadahadalkeenna. Hadda fikradda howgalka waxay gashay xoog, hirgelinteedana waxaa ay imaanaysaa xilli uu isaga taliye ka yahay,” Ayuu yiri danjire Madeira.

Wakiilka ayaa hadalkiisa kusii daray in muhiimadda koowaad siinayaan adkaynta iyo xaqiijinta amniga isagoo sheegay in waxbadan laga badalay qorshayaashoodii hore.

Hambalyo ayuu usoo jeediyay taliyaha cusub, wuxuuna u rajeeyay in xilka loo magacaabay u fududaado.

Jeneralka cusub ee xilka la wareegay ayaa kasoo jeeday dalka Jabuuti, wuxuuna sannadihii 2012 ilaa 2013 soo noqday Madaxa AMISOM ee dhinaca difaaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM