Jen Cirfiid oo qirey in Shacab lagu dilay weerarkii Bariire

Image

MUQDISHU, Somalia - Saraakiisha Dowladda Federaalka Somalia, ayaa kala hadashay, oo qaarna qirey in 10-kii qof ee lagu dilay weerarkii shalay Ciidamadeeda iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen Bariire ay ahaayeen dad shacab ah, halka qaar kalena ay dadkaasi Shabaab ku tilmeen.

Isagoo Wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Somalia, Jeneraal Axmed Jimcaale "Cirfiid", ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay nawaaxiga Bariire lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.

Jeneraal Cirfiid ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid shil ah, oo ku dhacay si kama ah, isagoo intaasi ku daray in kala shaki uu soo dhex-galay Ciidamada huwanta ah iyo beeralay hubeysan oo ku sugnaa meel u dhow Bariire, kadibna ay sidaasi rasaas ku bilaabtay.

"Weerarka Bariire wuxuu ahaa mid si kama ah u dhacay, oo yimid markii ay kala shakiyeen Ciidamada huwanta ay ka shakiyeen Beeralay hubaysan oo ku sugnaa meel ku dhaw Bariire," ayuu yiri Jeneraal Cirfiid.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, ayaa beeniyay war ka soo baxay Saraakiil katirsan dowladda Federaalka oo lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

"Waxaan xaqiijinayaa in dadka dhintay ay yihiin rayid, haatanna maydkoodii wuxuu yaalla cisbitaal Muqdishu ku yaalla," Sidaas waxaa yiri Taliye Cirfiid oo la hadlayay VOA-da.

Taliye Cirfiid ayaa VOA u sheegay inuu la kulmay madaxweynaha iyo Ra'isul-wasaaraha, oo uu sheegay inay ka xumaadeen dhimashada rayidka.

Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray inay falkan soo baaraan.

Dhanka kale, Taliska ciidanka Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa war Saxaafadeed ku sheegay inay la socdaan eedahaha sheegaya in rayid ku dhintay Bariire, isla markaana ay arrintaas baarayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM