Soomaaliya: Jen Cirfiid oo booqday Ciidanka Bariire

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BARIIRE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), ayaa maanta gaarey deegaanka Bariire, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Cirfiid oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa booqday Saldhiyada Military ee Deegaanka Bariire oo maalmo kahor ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno katirsan Al shabaab.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali (Caanood) oo horey Bariire ugu sugna ayaa Deegaanka ku soo dhaweeyay Jeneraal Cirfiid iyo wafdigiisa.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugna Bariire waxa uu booqday difaacyada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ku leeyihiin duleedka deegaanka iyo Buundada Al-shabaab ay qaraxa ku burburisay.

Caanood ayaa Cirfiid uga warbixiyay xaaladda amniga ee deegaanka iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada la galeen Al shabaab, kaasi oo Askar badan lagu dilay, kuwa kalena dhaawacyo kasoo gaarey.

Al Shabaab ayaa mudo afar jeer ah soo weerartay Bariire tan iyo markii laga saarey Tuulada bishii August, ee sanadkan, iyadoo isku dayaysay inay dib u qabsato deegaankaasi muhiimka u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM