Taliyaha guud ee ciidamada Uganda oo booqday Jannaale

Image

3 Sptember, 2015(GO)-Taliyaha Ciidamada Uganda ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta howl galka AMISOM Jen, Sam Kavuma iyo saraakiil kale, waxaana warbixin ka siiyeen sida wax u dhaceen.

Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay inay Janaale u tageen sidii ay u xaqiijin lahaayeen ciidamada inay ku sii negaadaan deegaanka, waxaana uu tilmaamay in xaalada Jannaale ay tahay mid caadi ah.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka Uganda, Pandy Ankunda ayaa BBC u sheegay in meydka toban ka mid ah ciidankaasi la keenay Uganda ka dib weerar todobaadkan lagu qaday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale.

Waxa uu beeniyay tirada ay al-Shabaab sheegatay ee ah inay ku dileen weerarka in ka badan konton askari, isagoo intaa raaciyay in guddi baaritaan loo saaray si ay u soo baaraan halka ay wax ka khaldameen.

Todobaadkan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah AMISOM lagu weerar saldhiga ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale, waxaana soo baxayay weerarka ka dib warar is khilaafasan oo ku aadan tirada dhimashada ee ciidamadaasi oo Al-shabaab sheegtay inay dileen 50 askari, halka sarakisha ciidama Uganda ay sheegayaan tiro intaasi ka yar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM