​Taliyaha NISA: Cidna loogu joojin maayo howlgalka Xasilinta [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia - Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Somalia (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali "Sanbaloolshe", ayaa ka warbixiyay Howlgalka Xasilinta Caasumadda iyo Caqabadaha hortaagan.

Isagoo ka hadlayay Shir Jaraa'ida oo si Wadajir ah ugu qabteen Muqdishu Wasiirka Amniga iyo Taliyaasha Ciidamada, ayuu sheegay Sanbaloolshe inay jiraan Shaqsiyaad katirsan dowladda oo caqabad ku ah Howlgalka.

Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaadey inay jiraan Shaqsiyaad badan, oo ku gabanaya Madaxda Dowladda, oo diidan inay u hogaansamaan awaamiirta Ciidanka ku jira howlgalka Xasilinta Caasumadda.

Taliyaha NISA ayaa tilmaamay in aysan raali ka noqon doonin in la Carqaladeeyo Howlgalada so socda Muqdishu, islamarkaana qofkii ay u arkaan caqabad ka qaadi doonaan Tallaabo adag.

"Qof ku gamban karta Magac ciidan ama Mas'uuliyiin dowladeed ma jirto, oo loogu dulqaan doono inuu qash-qashaado Howlaha Ciidanka, amarkaasina waxaa bxiiyay Gudiga Ciidanka Xasilinta iyo Wasiirada," ayuu yiri Sanbaloolshe.

Waxuu sheegay in Howlgalada ay yihiin kuwa billow ah, islamarkaana ay si Xoog leh ku socon doonaan, isagoo shacabka ugu baaqay inay Ciidamada la shaqeeyaan, si magaalada Muqdishu loo xasiliyo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia, Axmed Maxamed Jimcaale ayaa dhiinaciisa amray in magaalada Muqdishu aan lagu  arki karin ciidamo wato dareska iyo gadiiidka Ciidanka Militariga.

Dhinaca kale,Taliyaha Ciidanka booliska Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid "Saacid", ayaa  tilmaamay in   mas’uuliyiinta dowladda loo samayn doono ciidamo gaar ah oo ilaaliya,  lana furi doono xarun lagu diiwaan geliyo ciidankaasi.

Hadalkan ayaa yimid xilli dowladda Somalia, ay wado howlgal lagu xasilinayo caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM