Taliyaha NISA oo gudbiyey warqadiisa is-casilaadda

Image
MUQDISHO- War qoraal ah oo kasoo baxay Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Taliyaha hay'adda Cusmaan Xuseen Cusmaan [Calool Kuus] uu Madaxwayne Farmaajo u gudbiyey war-qadiisa is-casilaadda.
 
Qoraalka laguma caddeyn in Madaxweyne Farmaajo ka aqbalay Taliyaha shaqo ka tegistiisa, taaso kusoo beegmeysa xili warsidaha GO ogaaday inuu isku soo taagi doono doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed.
 
Doorashadda Koonfur Galbeed oo dhaceysa bisha dambe ee November ayaa la fahansan yahay in Villa Soomaaliya ay dooneyso inuu kusoo baxo shaqsi gacan-saar la leh xili ay Roobow ay shaki ka muujisay.
 
"Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS," ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
 
Taliye Xuseen ayaa asbuucii hore wuxuu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu u tegay si uu Mukhtaar Roobow oo murashax ah ugu qanciyo inuu tartanka ka haro.
 
Warar warsidaha GO helayo ayaa intaas ku daraya in Madaxda dowladda u balanqaadeen Xuseen in hadii doorashada looga soo guuleysto uu xafiiska dib ugu soo noqon doono.
 
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM