​Taliyaha NISA oo Shaqada ka cayriyay 1,500 oo Askari

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha ciidamada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Somalia ee NISA Jen Cabdullaahi Gaafow ayaa shaqada ka cayriyay 1,500 oo Askari oo kamid ahaa Sirdoonka dalka.

Ciidamada la cayriyay ayaa la sheegay inay ku fashilmeen waajibaadkii loo igmaday.

Jen Gaafow ayaa tilmaamay inuu isbedel ku samayn doono qaab shaqeedka NISA, islamarkaana uu howl galin doono xubno cusub oo howl kar ah, kuwaasoo wax ka qaban kara amni darrada ka jirta Somalia.

Dadka shaqada NISA la eryay ayaa waxaa kamid ah Cabdixakiim Fareey, oo ahaa Taliyaha Nabada Sugida Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu bedelay Maxamed Xasan Faarax (Faranfar).

Isku-shaandhanynta uu sameeyay Taliyaha guud ee hay'addaasi ayaa waxay imaanaysaa xilli faraha uu ka baxay amniga caasumadda Somalia, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada madaxtinimo.

Gaafow, oo horey u ahaa Madaxa Hay'adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Somalia (Immigration) ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Taliyaha NISA Bishii June, 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM