​Taliyaha NISA oo Shaqada ka cayriyay 1,500 oo Askari

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha ciidamada Nabad Sugidda iyo sirdoonka Somalia ee NISA Jen Cabdullaahi Gaafow ayaa shaqada ka cayriyay 1,500 oo Askari oo kamid ahaa Sirdoonka dalka.

Ciidamada la cayriyay ayaa la sheegay inay ku fashilmeen waajibaadkii loo igmaday.

Jen Gaafow ayaa tilmaamay inuu isbedel ku samayn doono qaab shaqeedka NISA, islamarkaana uu howl galin doono xubno cusub oo howl kar ah, kuwaasoo wax ka qaban kara amni darrada ka jirta Somalia.

Dadka shaqada NISA la eryay ayaa waxaa kamid ah Cabdixakiim Fareey, oo ahaa Taliyaha Nabada Sugida Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu bedelay Maxamed Xasan Faarax (Faranfar).

Isku-shaandhanynta uu sameeyay Taliyaha guud ee hay'addaasi ayaa waxay imaanaysaa xilli faraha uu ka baxay amniga caasumadda Somalia, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada madaxtinimo.

Gaafow, oo horey u ahaa Madaxa Hay'adda Jinsiyadaha iyo Socdaalka Somalia (Immigration) ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Taliyaha NISA Bishii June, 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM