Taliyayaal ciidan oo xilalka laga qaadey xilli amniga Muqdisho faraha ka baxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya, Jenaraal Baashir Ameeriko ayaa wuxuu xil ka qaadis uu ku sameeyay taliyaasha todobo kamid ah degmooyinka gobolka Benaadir, sida laga soo xigtey illo xog ogaal ah.

Degmooyinka taliyaashooda shaqada laga eryay ayaa kala ah; Waaberi, Kaxda, Wartanabadda, Dharkeynley, Xamar Jajab, Shibis iyo Heliwaa, kuwaasi oo magaalo madaxda dalka ka tirsan.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijinaya in xilka qaadista ay ka dambeysay markii lagu soo eedeeyay inay ku fashilmeen xaqiijinta nabad-gelyadda degmooyinka ay maamulaan.

Warsidaha Garowe Online oo soo xiganaya saraakiil codsadey inaanan la baahin magacyadooda ayaa ogaadey in taliyaasha xilalka laga qaadey qaarkood lagu bedalay degmooyin kale oo caasimada ka tirsan.

Saraakiisha la hadashey GO ayaa sheegay in ujeeda ugu wayn ee xilka qaadistaan laga leeyahay ay tahay in amaanka magaalada uu noqdo mid hagaagsan, maadaama dhowaanahaan ay ka dhacayeen falal liddi ku ah.

Degmooyinka taliyayaashooda Booliska xilka qaadista lagu sameeyay ayaa qaarkood waxay kamid yihiin kuwa ugu amniga xun caasimada, waxaana si joogto ah uga dhaca falalka toogashada, qaraxyada iyo kuwa kale.

Wararka ayaa sheegaya in wiilal dhalinyaro ah oo dhawaan kusoo biiray Booliska loo magacaabey xilalka laga qaadey 7-da Taliye ee saldhigyada Booliska degmooyinka gobolka Banaadir.

Booliska ayaa lagu wareejiyay amaanka magaalada, iyadoo kulan lagu dar-dar gelinayo amaanka iyo hagaajinta hanaan cadaalada ay yeesheen Ra'iisul Wasaare Khayre, Taliyaha Booliska, Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo saraakiil ciidan kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM