Taliyeyaal boolis horleh oo ka goostay maamulka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyeyaasha booliska degmooyinka Shibis iyo Yaqshiid ee gobolka Banaadir, Farxaan Jaraaye iyo Farxaan Cadaani oo wata ciidamo fara badan iyo gadiid ayaa ku biiray askarta taabacsan mucaaradka.

"Anigu isma dhiibin ee waxa meesha yaalo ayaan gartey. Waxaan arkay dadkii deganaa gobolka Banaadir oo lagu dul-dagaalamayo. Hadafka dagaalka uu yahay mid siyaasadeysan. Sidaas darteeda waxaan garab istaagay walaalahey," ayuu Jaraaye ka sheegay shir jaraa'id.

Talaabadan ayaa waxay sare u qaadeysaa kala qeybsanaanta muuqatay ee ka dhexjirta ciidamadda difaaca qaranka taasoo ka dhalatay muddo kororsiga laba sano ee taliska Farmaajo.

Dhanka kale, taliska booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin shaacinta taliyaha booliska degmada Shibis. Xiriiro lala sameeyay si wax looga waydiiyana kama aysan jawaabin.

Go'aanka Farxaan Jaraaye ayaa imaanaya maalin kadib markii dagaal uu Muqdisho ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan taliska waqtiga ka dhacay ee Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaradka.

Ciidanka mucaaradka ayaa qabsaday xaafado muhiim ah oo ku yaala caasimadda Muqdisho iyo waddooyin gala Madaxtooyadda taasoo horseedi karta in la go'doomiyo Villa Soomaaliya.

Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, ayaa horey u iclaamiyey in uu kasoo horjeedo muddo kororsiga taliska Farmaajo kuna baaqay qabashada doorashooyin daahfuran.

Joon oo saacado kadib markii xilka qaadey kadib hadalkaas kasoo yeeray ayaa wuxuu haatan kamid ah ciidamadda u jaranjeera dhanka mucaaradka isla markaana la wareegay jidad muhiim ah oo ku yaala magaala madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM