Taliyeyaal boolis horleh oo ka goostay maamulka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyeyaasha booliska degmooyinka Shibis iyo Yaqshiid ee gobolka Banaadir, Farxaan Jaraaye iyo Farxaan Cadaani oo wata ciidamo fara badan iyo gadiid ayaa ku biiray askarta taabacsan mucaaradka.

"Anigu isma dhiibin ee waxa meesha yaalo ayaan gartey. Waxaan arkay dadkii deganaa gobolka Banaadir oo lagu dul-dagaalamayo. Hadafka dagaalka uu yahay mid siyaasadeysan. Sidaas darteeda waxaan garab istaagay walaalahey," ayuu Jaraaye ka sheegay shir jaraa'id.

Talaabadan ayaa waxay sare u qaadeysaa kala qeybsanaanta muuqatay ee ka dhexjirta ciidamadda difaaca qaranka taasoo ka dhalatay muddo kororsiga laba sano ee taliska Farmaajo.

Dhanka kale, taliska booliska Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin shaacinta taliyaha booliska degmada Shibis. Xiriiro lala sameeyay si wax looga waydiiyana kama aysan jawaabin.

Go'aanka Farxaan Jaraaye ayaa imaanaya maalin kadib markii dagaal uu Muqdisho ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan taliska waqtiga ka dhacay ee Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaradka.

Ciidanka mucaaradka ayaa qabsaday xaafado muhiim ah oo ku yaala caasimadda Muqdisho iyo waddooyin gala Madaxtooyadda taasoo horseedi karta in la go'doomiyo Villa Soomaaliya.

Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, ayaa horey u iclaamiyey in uu kasoo horjeedo muddo kororsiga taliska Farmaajo kuna baaqay qabashada doorashooyin daahfuran.

Joon oo saacado kadib markii xilka qaadey kadib hadalkaas kasoo yeeray ayaa wuxuu haatan kamid ah ciidamadda u jaranjeera dhanka mucaaradka isla markaana la wareegay jidad muhiim ah oo ku yaala magaala madaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM