Taliye Cirfiid oo booqday Dhaawacyo ku jira Isbitaalka Madiina

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Somalia, Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa booqday dhaawacyada ciidamo ka tirsan kuwa dalka oo ku dhaawacmay Qaraxyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho kuwaa soo ku jira Isbitaalka Madiina.

Askartan uu booqday taliye Cirfiid ayaa u badnaa kuwii kusoo dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Warshadda Nacnaca ee degmada Wadajir.

Wuxuu sheegay in dowladda Somalia gaar ahaan taliska ciidanka xoogga dalka uu aad ula socon doono xaaladooda caafimaad isagoo uga mahad celiyay sida naf-hurnimada leh ee ay dhiigooda ugu daadiyeen difaacada dalka iyo dadka.

Taliye Cirfiid ayaa dhan kale xusay in wixii dhaawacoodu aad u liito loo qaadi doono waddanka dibadiisa gaar ahaan goobtii wax looga qaban karo.

Cirfiid ayaa intaas ku daray inaysan marnaba wax u dhimi doonin falalka kooxdan hormarka ka jira dalka iyo kala dambaynta isagoo xusay inuu aad uga xunyahay dhibka lagu hayo shacabka.

Waa booqashadii ugu horaysay uu sameeyo taliyahan oo dhawaan ka bad-baaday weerar kooxda Al Shabaab ku qaaday kolonyo uu la socday oo maraysay nawaaxiga wasaaradda Gaashaandhigga Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM