Taliye iyo askar loo xukumay dilka guddoomiyihii Hodan

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada oo Talaadada maanta ah xukmisay in dilka 21-kii Janaayo, 2021 ee guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiim Dhaga-juun, uusan ahayn "ku talogal" ayaa xukun xabsi oo 5 illaa 2 sano ah ah, magdhow iyo diyo-bixin ku riday taliyihii degmada Howlwadaag oo ah meesha ay wax ka dhaceen iyo shan askar kale.

Taliyihii booliska degmada Howlwadaag, Gaashaanle Boolis Shuceyb Cabdi Maxamed, ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah "sababtoo ah in uu ka gaabiyey howlihiisa" iyo "in uu sahlay baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa".

Dable Boolis Bishaar Cabdi Axmed oo maqane ka ahaa maxkamadeynta ka dhacay Muqdisho ayaa dhankiisa waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah "sababtoo ah taxadar la'aan iyo baxsashadiisa"

Sida ku xusan go'aanka maxkamada oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe, waxaa min laba sano oo xabsi ah lagu xukumay; Jamaal Isxaaq Cali, Diblaaw Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmiye Kaariye Cali.

Xukunka xeerbeegtada ayaa waxaa ku xusan in lacagta diyadda oo cadadkeeda aan la shaacin la siin doono qoyska marxuumka kuwaasoo wakiil ka socdey ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan fadhiyada maxkamada.

Sidoo kale, lacagta magdhowga oo qudheeda aan lasoo bandhigin cadadkeeda saxda ah ayaa waxaa la siin doonaa Ibraahim Abuukar Cismaan iyo Liibaan Xasan Liibaan oo ku dhaawacmay "shilkaas".

Toogashadda lagu khaarijiyey Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa waxay ka dhacdey wadada Jid-mareexaan ee degmadda Howlwadaag habeen saq dhexe ah iyaddoo isla maalintaas uu marxuumka kasoo laabtay waddanka Turkiga halkaasoo loo qaadey kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaarey qarax la rumeysan yahay in gaargiisa ay ugu jirtay maleyshiyadda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM