Taliye iyo askar loo xukumay dilka guddoomiyihii Hodan

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada oo Talaadada maanta ah xukmisay in dilka 21-kii Janaayo, 2021 ee guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiim Dhaga-juun, uusan ahayn "ku talogal" ayaa xukun xabsi oo 5 illaa 2 sano ah ah, magdhow iyo diyo-bixin ku riday taliyihii degmada Howlwadaag oo ah meesha ay wax ka dhaceen iyo shan askar kale.

Taliyihii booliska degmada Howlwadaag, Gaashaanle Boolis Shuceyb Cabdi Maxamed, ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah "sababtoo ah in uu ka gaabiyey howlihiisa" iyo "in uu sahlay baxsadka mid kamid ah ilaaladiisa".

Dable Boolis Bishaar Cabdi Axmed oo maqane ka ahaa maxkamadeynta ka dhacay Muqdisho ayaa dhankiisa waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah "sababtoo ah taxadar la'aan iyo baxsashadiisa"

Sida ku xusan go'aanka maxkamada oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe, waxaa min laba sano oo xabsi ah lagu xukumay; Jamaal Isxaaq Cali, Diblaaw Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmiye Kaariye Cali.

Xukunka xeerbeegtada ayaa waxaa ku xusan in lacagta diyadda oo cadadkeeda aan la shaacin la siin doono qoyska marxuumka kuwaasoo wakiil ka socdey ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan fadhiyada maxkamada.

Sidoo kale, lacagta magdhowga oo qudheeda aan lasoo bandhigin cadadkeeda saxda ah ayaa waxaa la siin doonaa Ibraahim Abuukar Cismaan iyo Liibaan Xasan Liibaan oo ku dhaawacmay "shilkaas".

Toogashadda lagu khaarijiyey Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa waxay ka dhacdey wadada Jid-mareexaan ee degmadda Howlwadaag habeen saq dhexe ah iyaddoo isla maalintaas uu marxuumka kasoo laabtay waddanka Turkiga halkaasoo loo qaadey kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaarey qarax la rumeysan yahay in gaargiisa ay ugu jirtay maleyshiyadda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM