Taliye ka tirsan NISA oo lala beegsaday qarax miino

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayaa kamid ah mas'uuliyiin ku dhaawacmay qarax miino.

Xuseen Dhuubow iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar, ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay waxyeeladda soo gaartey.

Weerar ayaa lagu waramay in lala beegsaday gaari kolanyo ay saarnaayeen, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta ammaanka oo u waramay warbaahinta maxaliga ah.

Al-Shabaab oo joogitaan badan ku leh aaggaas ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan. Balse, illaa haatan ma jirto sheegasho rasmi ah oo ka timid kooxda.

"Dhaawacyadda waxaa loola cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo. Sidoo kale, waxaa kamid ah dhaawacyo ay xaaladoodu aad u liidato," ayuu yiri sarkaal.

Sarkaalka oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn la hadalka warbaahinta ayaa intaas wuxuu ku daray in ay jiraan askar ay xaaladoodu aad u liidato.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Galbeed ay isku diyaarineyso in ay bilowdo doorashooyinka Aqalka Hoose wallow ay jiraan caqabado siyaasadeed oo daran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM