Taliye KMG ah oo loo magacaabay Booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa maanta loo magacaabay inuu si KMG ah u noqdo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya kadib markii xilkaasi laga qaadey Todobaadkan Jeneraal Cabdixakiim Daahir Saacid.

Munaasabad ka dhacday Dugisiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa labada mas'uul ku kala wareegeen xilka, iyadoo ay goob-joog ahaayeen wasiirka amniga, madax sare oo katirsan labada golle ee dowladda iyo Saraakiil AMISOM.

Jeneraal Mukhtaar ayaa horey usoo noqday Ku xigeenka Taliyaha Booliska, waxaana xilka cusub ee loo dhiibay maanta sii heyn doonaa inta Taliye rasmi ah laga soo magacaabayo.

Taliyaha xilka laga qaadey Jeneraal Cabdixakiim ayaa goobta xil-wareejinta ka sheegay inuu ku kalsoon yahay Jeneraal Mukhtaar inuu kasoo dhalaali karo howsha loo dhiibay, oo ah mid adag islamarkaana dhowr qof oo isagu kamid yahay ay ku fashilmeen.

Cabdixakiim Saacid ayaa isaga iyo Agaasiimihii NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe xilka looga qaadey weeraradii ka dhacay dhawaan Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe, 14-kii Oct iyo kii ugu dambeeyay ee Naasa Hablood 2 hotel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM