Taliye magaaladda Gaalkacyo kaga badbaadey isku day dil

Image

GAALKACYO, Galmudug – Taliyaha saldhiga bileyska koonfurta Gaalkacyo ayaa ka badbaadey isku day dil kadib markii gaarigiisa qarax loogu rakibay, dhacdadaasi oo uu ku dhaawacmey.

Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, Cawil Nuur Rooble ayaa haatan lagu dhadhiibayaa mid kamid ah Isbitaalada ku yaala xarunta gobolka Mudug, qeybta maamulka Galmudug.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga oo ku qarxay xaafadda 30-ka ay waxyeelo kasoo gaartey dad shacab ah oo wadada marayey. Baaritan ayaa ku socda dhacdadan.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan balse falalka noocaan ah ee ka dhaca geyiga Soomaaliya waxaa aalaaba looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Bishii hore ee June ayay ahayd markii isla magaaladda lagu khaarijiyey Cali Dhiif oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa Taliska Nabad-Sugida Galmudug ee ka howglgasha Gaalkacyo.

Kadib dilkaasi, maleyshiyaadka u heeb ah marxuumka ayaa toogasho wadareed ku laayey Sagaal ruux, kuwaasi oo kasoo eeda degaanada Koonfur Galbeed. Falkaasi "aargud ahaa" wuxuu sababay caro.

Gaalkacyo waa magaalo ay ka jiraan ciidamo amni oo isku dhaf ah maadaama ay ay ka kala arimiyaan maamuladda Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo dagaalo qaraar uu dhex-maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM