Taliyeyaal Ciidan oo shaqadii looga joojiyey Musuqmaasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa waxaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay sarkaal ka tirsan ciidamada illaalda degaanka.

Waxaa shaqadii laga joojiyay Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, waxaana Maamulka Gobolka faray shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Ku xigeennadooda.

Sababta shaqo joojinta ayaa lagu qeexay inay tahay kadib markii lagu soo eedeeyay musuq-maasuq, taasoo uu kusoo rogay saraakiishani Xafiiska Xeer-illaaliyaha guud ee dalka, inkasta uusan fahfaahin dheeri ah ka bixin gobolka Banaadir.

Warka kasoo baxay xafiiska Eng Yariisow waxaa intaas lagu daray in maamulka uusan udulqaadan doonin, sida hadalka loo dhigay, musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin, xili saraakiisha iyo masuuliyiinta looga digay arrintaas.

Talaabooyinkaan ayaa qayb ah olale xoogan oo si xowli ah ku socda, kaasoo ay waddo dowladda, islamarkaana ay kusoo xiro iyo shaqo joojin loogu sameynayo masuuliyiin, iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda hadda jirta ee uu Farmaajo hogaamiyo.

Shaqo joojinta lagu sameeyay saraakiishaan ayaa imaaneysa xili todobaadyo kahor la sheegay in eedaymo musuq-maasuq labo sarkaal, kuwaasoo dowladdu sheegtay inay qaateen lacago laaluush ah, islamarkaana baaritaan la marsiin doono.

Dhowaan ayay ahayd markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu si cad ugu dhawaaqay in dowladdu ay gacan bir ah ku qaban doonto cid walba oo lagu helayo musuq, isaga oo si gaar ah ugu digay wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM