Isbedel lagu sameeyay hogaanka talisyadda Ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaan cusub ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa loo magacaabay talisyadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya, sidda ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Isbedelkan ayaa waxaa meel-mariyey Golaha Wasiiradda xukuumadda federaalka, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Taliyaha Ciidamada Milatariga ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, wuxuuna bedelayaa Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe].

Odowaa, oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa waxaa dhowaan loo xushay Taliyaha Ciidanka Lugta ee howlgalo kala duwan ka duwan gobolada Shabeelooyinka.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa laga dhigay, Fahad Yasiin Xaaji Daahir, kaasi oo si ku meel gaar ah u hayey markii la eryay Sanbaloolshe.

Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, wuxuuna bedelayaa Bashiir Cabdi Maxamed [Bashiir Ameeriko].

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa laga dhigay Gen Mahad Cabdirahmaan Aadan, kaasi oo isana xafiiska kala wareegaya Bashiir Maxamed Jaamac [Goobe].

Isku shaadheynta ayaa imaaneysa markii bishii hore weerar ay Al-Shabaab ku qaadey xarunta dowladda Hoose ee Xamar ay ku dishay tobban uu ku jiro gudoomiyihii gobolka ahaana duqa caasimada, Injineer Yariisow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM