Taliyeyaal katirsanaa ciidamada xoogga Somalia oo Qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jidgal ah oo kolanyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka lagula eegtay degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose, maanta oo Talaado ah.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa tilmaamay in weerarka oo loo adeegsaday qarax miino lagu dilay saraakiil uu kamid yahay Abaanduulihii qaybta 12-ka April, Jenaraal Cabdi Salaan Aadan Kurjow.

Maxamed Ibraahim Bare, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, oo xaqiijiyay geerida Kurjow ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magacyada saraakiisha kale ee weerarkaan dhabagal ah ku geeryootay.

Meydka Marxmuun Kurjow iyo saraakiisha kale ayaa loosoo qaaday Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka ciidamada xooga dalka, halkaas oo la filayo in lagula togo salaada Janaazada kahor inta aanan la aasin.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada iyo taliyaasha ugu sareeya ciidamada milatariga wadanka ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan aas qaran oo la rajaynayo in loo sameeyo saraakiishaan.

Marxuum Kurjow ayaa bedalay Cabdi Cali Jamaame, kaasi oo weerar kan lamid ah oo ka dhacay isla Dhanaane lagu naf-gooyey isaga iyo taliyihii qaybtaan sanadkii hore, kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Taliska ciidamada xooga dalka ayaa wacad ku maray kadib dhacdadaasi inay u aar-gudi doonan Jenaraaladaasi, iyaga oo qaaday howlgalo dhowr ah oo ay ka sheegteen guulo ah inay ku laayeen xubno Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM