Taliyeyaasha degmooyin ka tirsan Muqdisho oo la eryay kadib qaraxyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar [Saadaq Joon] ayaa xilalkii ka xayuubiyay taliyeyaasha saldhigyada toban degmo oo kamid ah caasimada dalka, sida uu fahansan yahay Garowe Online.

Degmooyinka hogaanada amniga la eryay waxaa kamid ah; Xamar-wayne, Hodan, Kaaraan iyo kuwa kale, taasoo ka dhigeysay in uu yahay isbedalkii ugu balaarnaa abid lagu sameeyay hay’addaha amniga gobolka Banaadir.

Sidda uu xogta ku helay GO, taliyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka magaala madaxda ayaa ah saraakiisha dhalinyarada ah ee horey uga tirsaneed taliskii NISA ee la kala diray.

Isbedalkaan ayaa ka dambeeyay markii xalay uu Madaxtooyadda ka dhacay kulan deg deg oo laamaha amniga uu isugu yeeray ra’iisul wasaaraha Khayre, kaasi oo lagu gorfeeyay xaalada nabad-gelyo ee caasimadda.

GO ayaa fahansan yahay in kulankaasi ay qayb ka ahaa taliska AMISOM, safiirada dalal ay ku jiraan; Mareykanka iyo Ingiriiska, iyo dowlaha dhinaca amaanka iyo la dagalaanka argagaxisada ka taageera xukuumada.

Waxa kasii horeeyay kulan kale, oo agaasimaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, uu isbuucii hore la yeeshay gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, kuwaasoo uu kala hadlay arrimo ay kamid tahay amaanka.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale warsidaha Garowe Online u dusiyay in isbedalkaan uu sameeyay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska gobolka Banaadir, kaasi oo laga dhigay sarkaal kamid ahaa NISA, Maxamed Jeego.

Ma cadda sababta shaqada looga eryay taliyeyaasha, balse waxay kusoo beegmaysaa xili amniga magaalada Muqdisho uu umuuqdo mid aanan ku jirin gacanta hay’addaha ku shaqada leh ee dowladda.

Talaabadaan ayaa kusoo aadaysa xili qaraxyo dad badan ay ku geeriyoodeen ay ka dhaceen caasimada oo ay ugu dambeysay shalay oo Sabti ahayd markii ay Al-Shabaab weerartay dhismo ay degan yihiin wasaarado.

MAGACYADA XUBNAHA CUSUB EE LA MAGACAABAY

Maxamed Jeego, taliye ku-xigeenka Booliska Gobolka Banaadir

C/fataax Mire, taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, waxaana ku xigeenkiisana loo magacaabay Shuceyb Abdi

Yaasiin Nur Khayre, taliye Ku xigeenka Qeybta bartamaha

Bashiir Cabdi Siyaad, taliyaha Saldhiga Booliska degmada Hodan

Najiib Carab, taliyaha Saldhigga Booliska degmada Boondheere

Liibaan Shidane, taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaaraan

Xuseen Cadceed, taliyaha Saldhiga Wardhiigley

Ismaaciil Muuse Yuusuf, taliyaha Saldhigga Booliska Dharkeynley

Axmed Taree, Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaxda

Axmed Khadar, Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Xamarweyne

Maxamed C/qaadir, Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waaberi

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM