Taliyihii Ciidamada Somalia oo xilka laga qaaday

Image

3 Sptember, 2015(GO)-Waxaa maanta xilkii laga qaaday taliyaha ciidama xoogga dalka Somalia Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxaana la soo magacaabey taliye cusub.

Xilka qaadistan ayaa timi kadib shirka golaha wasiirada Somalia oo maanta loo soo gudbiyay in xilka la qaado taliyaha, waxaan dood dheer ka dib wasiiradu isku raaceen in xilkaasi loo soo magacaabo Janaral Maxamed Aadan Axmad.

Wasiirka wasaradda gaashaandhigga Somalia aya arintaasi u gudbiyay wasiirada,waxayna dalacsiiyeen taliyaha cusub oo la siiyay darajada Sareeye Gaas, halka ay soo magacaabeen labo Abaanduule ciidan oo ka mid noqonaya Ciidamada Somalia.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmad ayaa waxbrashadiisii ciidanimo ku soo qaatay kulliyadda Ciidanka ee Masar, kulliyada hogaaminta ciidanka ee Ruushka, Moscow, kulliyada dagaalka ee dalka Mareykanka, isagoo sidoo kalena soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada ah, wuxuuna ahaa Taliye qeybta Baladweyne, Taliyaha qeybta ciidanka 60aad ee Baydhabo, taliyaha qeybta 21aad ee Dhuusa Mareeb.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM