Taliyihii Farmaajo u xushay hogaanka NISA oo shaqo galay

Image
Yaasiin oo saaxiib dhow la ah agaasimihii hore ee hay'adda, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa la sheegay in uu xilka la wareegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha KMG ah ee uu magacaabay madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa xilka kula wareegay munaasabad ka dhacdey xarunta hay'adda ee caasimadda Muqdisho.

Barta Twitter-ka ee hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Gaashaanle Sare, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud uu jagada la wareegay Arbacada maanta ah.

"Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud," ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka qoraalka ah oo aad u koobanaa ayaa waxaa intaas lasii raaciyey: "Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday".

Yaasiin oo saaxiib dhow la ah agaasimihii hore ee hay'adda, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa horey u soo noqdey madaxa mukhaabaraadka gobolka Banaadir iyo madaxa ilaaladda gaarka Fahad.

Fahad, Yaasiin iyo Kulane-Jiis ayaa la sheegay in ay yihiin saddexda qof ee sida weyn loogu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen afduubka Ikraan Tahliil Faarax, sarkaal ka tirsaneyd hay'adda.

Kiiska NISA ayaa ka dhashay xiisad siyaasadeed. NISA waxay tibaaxdey in ay haweenaydan ku baxdey gacanta Al-Shabaab. Hase ahaatee, waxaa ka kasoo hor-yimid qoyskeeda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM