Taliyihii Guutada 6-aad ee ciidanka Somalia oo qarax lagu dilay [DHAGEYSO]

Image

AFGOYE, Somalia - Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah guddoomiye ku- xigeenka dhinaca Maaliyadda maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in qarax miino oo lala eegtay ciidamo gurmad ah uu ku dhinay Taliyihii Guutada 6-aad ee ciidamada Xooga dalka Maxamed Xasan Baakay.

Wuxuu sheegay in Taliye Baakay oo hormuud u ahaa ciidan kasoo baxay degmada Afgooye, oo gurmad ahaan ugu socday deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile, oo saakay Al shabaab weerar ku qaadey.

Gaadiidka dagaalka ee gurmadka ah ayaa lala eegtay qarax wadada qarkeeda lagu aasay, xilli ay ku dhawaayeen deegaanka Warmaxan, oo markaasii uu ka socday dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Somalia.

Warar ayaa sheegay in qaraxa sidoo kale uu ku dhintay abaanduule ciidan, oo wali magacaiisa la shaacin. Afar Askari oo kale ayaa lagu dilay weerarka miinada.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaanada Warmaxan iyo Taxsiile, oo hoostago degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saaka, balse kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay dilka 19 askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM