Taliyihii hore ee NISA oo shaaciyey in uu isku day dil ka badbaadey
MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay isgoyska Miiraanyada ku rasaaseeyeen gaari uu la socday taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Tuuryare.
Ma jirto khasaaro ka dhashay falkaas. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saldhigtay aagaas. Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli xaalada caasimada Muqdisho ay kacsan tahay.
"Waxaan aad uga xumahay in ciidan yaqaanaya gaadiidkeyga iyo askarta la socotay ay xabadeeyeen kolanyadii aan saarnaa," ayuu Tuuryare ku yiri muuqaal uu soo duubay kadib dhacdadan dhacdey xalay caweyskii.
Ciidamadii xalay lagu daadiyey isgoysyadda waaweyn caasimada Muqdisho ayuu ka dhawaajiyey in aysan ka tirsaneyn degmooyinka gobolka Banaadir isla markaana goordhow laga soo bixiyey xerooyinka.
"Askartii gaariga ila saarneyd waxay iigu sheegeen in ciidamadan la yiraahdo Duufaan oo ah magac aan ku aqiinay ciidanka xoogga Soomaaliyeed dabcan waa magacyadii gedaal laga sameeyay," ayuu raaciyey.
Mas'uuliyad daro ayuu ku sifeeyay falka lagu beegsaday kolanyadiisa. Balse wuxuu tibaaxay in uu baaritaan ku sameyn doono "haddii askarta ay ka timid falkaas ama haddii saraakiisha ka sareysa ay soo amartay".
"Dadka caawa iga hadalsiiyey ma mahdin doonan. Waxa dhacay uma qaadan doono wax iska caadi ah. Isku day dil oo abaabulan ayay ahayd, waana in baaritaan dhameystiran lagu sameeyaa," ayuu kusoo xiray hadalka.
Muqdisho ayaa todobaadyaddii lasoo dhaafay wajaheysay dhaqdhaqaaq iyo abaabul ciidan oo iska soo horjeeda taasoo ka dhalatay khilaafka doorashooyinka iyo muddo kororiga sharci daradda ah ee taliska Farmaajo.
GAROWE ONLINE