​Taliyihii Nabad Sugida Galmudug oo xilka laga qaadey [AKHRI]

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa xilka qaadist ku sameeyay Talihihii Ciidamada Nabad Sugida maamulkaasi, Cali Cilmi Yuusuf "Ilka-Case."

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha, ayaa xilka looga xayuubiyay Taliye Ilka-Case, iyadoo go'aankan loo cuskaday qodobka 50-aad, Faqradiisa 5-aad, ee Dastuurka Galmudug.

Madaxweyne Geelle ayaa ku sheegay sababta xilka qaadista inuu ku kacay amar diido iyo Howl-gudasho la'aan. Waxaa lagu amray Saraakiisha kale inay sugaan amniga inta Taliye xusub laga soo magacaabayo.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu Madaxda sare ee Galmudug ka dhex-taagan yahay Khilaaf sii xoogaysanaya, oo soo billowday Todobaadkii tagey, kaasi oo salka ku haya go'aankii Xaaf uu kula saftay Xulufada Sacuudiga.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi "Carabey", iyo Afhayeenka Barkamanka maamulka, Cali Cagal Casir, ayaa kasoo horjeestay Go'aankii Madaxweynaha, maadaama aan lagala tashan.

Wararka aan ka helayno magaalada Cadaado ayaa sheegay in maanta Ciidamada amaanka Galmudug is-hortaag ku sameeyeen Madaxweyne Ku xigeenka safar uu ugu ambabaxi lahaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xaaf oo hadda ku sugan magaalada Abu Dhabi, ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in uu ku saxnaa go'aankiisa, maadaama ay ku jirto danta shacabkiisa.

Hoos ka akhriso Wareegtada xilka qaadista:

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM