"Wasaaradda Caafimaadka Somalia ma matasho Arrimaha Dibada"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa wali sii xumaanaya xirriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,halka ay Kenya qaaday talaabooyin dhowr ah oo ay kaga baxaysay heshiishyo ay hore uwada galeen Soomaaliya.

Muddo yar ka dib dawlada Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay jawaab kaga bixinaysay talaabooyin diblamasiyadeed ee ay Kenya ka qaaday masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya oo doonayay in ay shir kaga qayb galaan Kenya oo garoonka dib looga celiyay war saxaafadeedkan waxaa kamid ahaa, war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda caafimaadka oo ay kaga dalbanayso hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi in aysan wax shirar ah oo Soomaaliya Khuseeya aysan ku qaban Kenya, halka ay soo jeediyeen in dalka gudihiisa lagu qabto ama wadamo ku haboon socdaalka oo si fudud lagu tagi karo.

Maalintii shalay waxa magaalada Nairobi ka qabsoomay shir ay ka qayb galeen masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo maamul goboleed.

''Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN-Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga,'' sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxmuud Axmed Tarsan.

Muxuu u shaqeyn waayay go'aankii wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ee shirarka Kenya?

Mudo yar kadib markii laga hor istaagay masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliya in ay gudaha u galaan Dalka Kenya si ay uga qayb galaan kulamada shirarka lagu qabto ee Kenya, ayaa waxa shirkii u horeyey ka qayb galay wafti uu hogaaminay wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dajinta dawlada Soomaaliya, mar aan wax ka waydiinay Tarsan war saxaafadeedkii wasaarada caafimaadka waxay u dhinac mareen wuxuu ku jawabay.

''Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada, wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto, waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya.''

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ la isla aadeen, taas oo uu ka dhashay muran dhanka xuduudda badda ah oo u dhexeeya labada waddan.

In kastoo Kenya ay shuruucdan ugu muuqato cadaadis la saarayo, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxay shaacisay in ay sii wadi doonto soo dhaweynta dadka u dhashay Kenya ee Soomaaliya safarada ku taga.

"Dowladda Soomaaliya waxaa dhankeeda ka go'an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxayna sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya", ayaa lagu yiri war saxaafadeedkii ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya soo saartay.

BBC

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM