Telefishinka SNTV oo xayiraaddii laga qaadey

Image

May 19, 2015 (GO)- Puntland ayaa xayiraaddii ka qaaddey xafiisyada Telefishinka SNTV oo maanta muddo kooban shaqada laga joojiyey.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Qoob-deero oo isagu soo saarey amarka shaqada looga joojiyey TV-ga ayaa idaacadda VOA u sheegay in SNTV laga qaadey xayiraadda kadib markii maamulkiisu la soo xiriireen dowladda, raalli gelinna ka bixiyeen khaladkii ay galeen. Akhriso sababta loo xirey SNTV

Qoob-deero ayaa sidoo kale sheegay in isla maanta uu la kulmey qaar  kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala gobolka Bari, kuwaasoo ka codsadey dowladda in telefishinka la fasaxo maadaama wariyihii warka direy uu khaladkiisa qaatey raalli gelinna ka bixiyey.

Ma ahan markii ugu horreysey ee Puntland shaqada ka joojiso mid kamid ah telefishinada Soomaalida. Horay waxaa muddo kooban Puntland shaqada uga joojisey telefishinada Universal iyo Somali Channel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM