​Thaabit oo xilka ka qaadey Khasnajigii Dowladda Hoose

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xilka ka qaadey Khasnajigii Dowladda Hoose, Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Thaabit ayaa shaqada loo eryay Cabdiraxiin, kadib markii uu sameeyay maamul xumo iyo amar diido joogto ah, oo saameeysay habsami u socodka shaqada waaxda uu katirsanaa.

Thaabit ayaa u magacaabay Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose xilka laga qaadey Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale ee ah Khasnajigii Guud ee Dowladda Hoose Xamar.

Cabdiraxiin Iimaan Jimcaale, wali kama uusan hadlin sida uu u arko Xilka qaadista lagu sameeyay.

Hoos ka akhri Wareegatad kasoo baxday Xafiiska Thaabit;

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM