Tirada dadka u dhintay Covid-19 oo dhaaftay laba milyan

Image

NEW YORK, US – Guud ahaan caalamka, tiradda dhimashadda safmareenka Covid-19 ayaa dhaaftay laba milyan, sidda ay Jimcada todobaadkii hore ku dhawaaqdey Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee loo yaqaano WHO.

Tani ayaa kusoo hagaageysa xilli dalalka hodanka ah ay bilaabeen in ay dadkooda u qeybiyaan talaalka, kuwa saboolka ahna aysan helin, taas oo tooshka ku ifineysa sinaan la'aanta baahsan oo ka jirta helida talaalka.

Tiradda geerida ayaa sidoo kale waxay ka badan tahay da'da fayruska oo ah hal sano tan iyo markii uu ka dilaacay magaalada Shiinaha ku taala ee Wuhan. Tirada geerida ayaa lamid ah dadka ku nool magaalooyinka waaweyn ee caanka ah kalana ah; Brussels, Mecca, Minsk ama Vienna.

Jaamacadda Mareykanka ku taala ee Hopkins ayaa intaas ku dartay in ay xaqiijisay in tirada kiisaska fayruska ay haatan marayaan 93 milyan.

Yurub waa qaaradda ugu badan ee dadka ugu dhinteen xanuunka, waxaana laga soo wariyey 650,560 tan iyo markii uu dilaacay Covid-19.

Latin America iyo the Caribbean ayaa waxay diiwaan-geliyeen 542,410 dhimasho ah, halka Mareykanka uu soo wariyey 407,090 geeri ah.

Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dunida ku booriyey in midnimo lagu wajaho fayruska, wuxuuna tilmaamay in "wax laga naxo ay tahay in tirro intaas la eg uu galaaftay safmarka Covid-19".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM