Tirada Dagaalyahanada Daacish-ta Soomaaliya oo la shaaciyay

Image

WASHINGTON - Sirdoonka Mareykanka [CIA], ayaa wuxuu soo bandhigay inta ay la egtahay cudada ciidan oo ay haysato kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya, taasoo sanadihii udambeeyay soo ifbaxday.

150 dagaalame ayaa la sheegay inay la egyihiin tiradda waqti xaadirkaan u diiwaan-gashan garabka kooxda Daacish u qaabilsan howlgallada argagaxiso ee dhulka Soomaalida.

Daacish ayaa waxay haatan si xoogan uga howlgashaa degaanada Puntland, halkaasoo ay weeraro ka dhanka ah ciidamada amaanka iyo dilal ay ka fuliyaan.

Maamulka Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa waxaa lagu dhaliilay inuu ka gaabiyay la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo tan iyo markii maamulkiisa la wareegay talada kusii xoogeystay degaanada Puntland.

Weeraro dhaliyaya khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay kooxahan argagaxisda ka geysteen degaanada Puntland, kuwaasoo ay ku beegsadeen Saldhigyadda ciidanka Difaaca Puntland, sida Af-Urur iyo Balli-Khadar.

Amaanka Puntland ayaa wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayay, xili la sheegay inay taasi ugu wacan tahay mushaar la'aanta ciidamada, taasoo ka dhalatay musuq-maasuq si xun u aafeeyay hay'addaha dowladda.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Warsidaha Garowe Online uu baahiyay macluumaad [Halkan ka akhri] ku saabsan in ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda Puntland ay gadood sameeyeen, taasoo ka dambeysay markii aysan bilooyin qaadan gunooyinkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM