Tirada Dagaalyahanada Daacish-ta Soomaaliya oo la shaaciyay

Image

WASHINGTON - Sirdoonka Mareykanka [CIA], ayaa wuxuu soo bandhigay inta ay la egtahay cudada ciidan oo ay haysato kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya, taasoo sanadihii udambeeyay soo ifbaxday.

150 dagaalame ayaa la sheegay inay la egyihiin tiradda waqti xaadirkaan u diiwaan-gashan garabka kooxda Daacish u qaabilsan howlgallada argagaxiso ee dhulka Soomaalida.

Daacish ayaa waxay haatan si xoogan uga howlgashaa degaanada Puntland, halkaasoo ay weeraro ka dhanka ah ciidamada amaanka iyo dilal ay ka fuliyaan.

Maamulka Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa waxaa lagu dhaliilay inuu ka gaabiyay la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo tan iyo markii maamulkiisa la wareegay talada kusii xoogeystay degaanada Puntland.

Weeraro dhaliyaya khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay kooxahan argagaxisda ka geysteen degaanada Puntland, kuwaasoo ay ku beegsadeen Saldhigyadda ciidanka Difaaca Puntland, sida Af-Urur iyo Balli-Khadar.

Amaanka Puntland ayaa wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayay, xili la sheegay inay taasi ugu wacan tahay mushaar la'aanta ciidamada, taasoo ka dhalatay musuq-maasuq si xun u aafeeyay hay'addaha dowladda.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Warsidaha Garowe Online uu baahiyay macluumaad [Halkan ka akhri] ku saabsan in ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda Puntland ay gadood sameeyeen, taasoo ka dambeysay markii aysan bilooyin qaadan gunooyinkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM