Tirada saraakiisha Tigray ee hubka looga dhigay Soomaaliya oo korortey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka aloolsan waqoyga waddanka Itoobiya, waxaa xukuumadda Addis Ababa ay bilowday in ay meel walba ku beegsato saraakiisha kasoo jeeda ismaamulka Tigray.

Soomaaliya ayaa kamid noqotay goobaha ugu horeeya ee xariga iyo hubka ka dhigista lagu sameeyay saraakiisha u dhalatay qowmiyaddaas. Illaa haatan, xukuumadda Muqdisho kama hadlin dhaqdhaqaaqaas.

Sidda ay ku warantay wakaaladda wararka Reuters, dowladda Itoobiya ayaa dhamaan ciidamadeeda kaga jira howlgaladda nabad-ilaalinta ee Qaramadda Midoobay waxay ka sifeyneysaa saraakiisha reer Tigray.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa intaas ku daray in saraakiishaas dib loogu celinayo Addis Ababa. Balse ma cadda goobta la dejiyey. Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa waxay walaac ka muujisay beegsiga gaarka.

Wargeyska Foreign Policy ayaa mas'uuliyiin ka tirsan UN-ka wuxuu kasoo xigtey in ay ka cabsi qabaan in jirdil iyo dil loo geysto saraakiisha oo laga soo kala kaxeeyay howlgaladda Suudaan, South Suudaan iyo waliba Soomaaliya.

Sidda ay muujinayaa warbixinadda, tiradda saraakiisha Tigray ee gudaha Soomaaliya hub ka dhigista iyo xariga la isugu daray ayaa dhan 200-300. Magaaladda Baydhabo waa halka ugu daran ee xariga ka dhacay.

Billene Seyoum, afhayeenka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa difaacay beegsigooda saraakiisha Tigray. Balse ma uusan bixin tafaasiil.

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo taliska AMISOM ayaan wali ka hadlin arrimahaan. Xiriiro uu Garowe Online la sameeyay kama jawaabin.

Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda waxay u taageertay howlgalka ay dhigeeda Itoobiya ku qaadey ismaamulka Tigray. Dhawaqaas uu madaxweyne Farmaajo sameeyay waxay timid kadib cadaadis kaga yimid maamulka Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM

Hogaamiye katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Duqayn 

Ciidamada Maraykanka ayaa gacan ka geystay ka hortagga khataraha Al-Shabaab ku hayso dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 12:49PM