Tirada Soomaalida ku dhimatay shilka diyaaradeed ee Itoobiya oo korortay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Soomaalida qaybta ka ahayd dadkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed ee subaxnimadii Axada maanta ah ka dhacay duleedka caasimada Itoobiya.

Shilkaan ayaa dhacay saaka 8:44 a.m. kadib markii burburtay diyaarada Ethiopian Airlines oo ay saarnaayeen 149 Rakaab ah iyo 8 shaqaalaheeda ahaa.

Dadka musiibadaan ku dhintay waxaa qayb ka ahaa saddex ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo labo kamid ah ay dumar ahaayeen - Hooyo iyo gabar ay dhashay.

Cabdishakuur Maxamed Shahaad, oo labadii sano ee lasoo dhaafaya ka tirsanaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku jiray dadka naftooda Ku waayay shilka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo fariin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka.

Shahaad oo kamid ahaa kooxda hab-maamuska xafiiska Khayre ayaa kusoo jeeday magaaladda Muqdisho, isaga oo [transit] kusoo ahaa Addis Ababa.

Dhinaca kale, Aamina Ibraahim Odowaa iyo iyo gabar ay dhashay oo lix sano jir ahayd taasoo lagu magacaabayey Safiya Faysal Cumar ayaa qayb ka ahaa dadkii ku baxay shilka diyaaradeed.

Labada marxuum ayaa haystay dhalashada Canada, balse waxay asal ahaan kasoo jeedeen Soomaaliya.

Maxamed Xasan Cali, wiil la dhashay marxuumad Aamina, ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in walashiisa ay Sabtidii kasoo duushay Canada ayna kusoo wajahneyd Nairobi.

GAROW ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM