Tiradda dadka lagu dilay Soomaaliya 2016-2017 iyo magaalada ugu badan
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska QM u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ayaa soo saarey warbixin sanadle ah oo uu uga hadlay tirada dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay, laguna dhaawacay sanadkan 2017 iyo kii ka horeeyay 2016-ka gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta oo maanta [10-ka December] kasoo baxday UNSOM islamarkaana nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online, ayaa lagu sheegay in dad gaaraya 2078 qof suyaabo kala duwan loogu dilay Soomaaliya lagasoo billaabo 1 January 2016 ilaa 14 October 2017.
Goobaha lagu kala dilay dadkan:
Somaliland: 208 Qof.
Puntland: 413 Qof.
Galmudug: 261 Qof.
HirShabeelle: 269 Qof.
Koofur Galbeed: 735 Qof.
Jubbaland: 434 Qof.
Banaadir: 2,265 Qof.
Gacanta ay ku baxeen dadkan:
Dil Dhaawac
Al Shabaab: 1,233 1,495
Malleeshiyaad: 251 343
Ciidamada maamul goboleedyada: 234 288
Kooxaha aan la garanaynin: 195 233
AMISOM: 95 86
Dadkan waxay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaraxyo, dilal qorsheysan, Duqeymo cirka ah iyo Shilal baabuur oo AMISOM intooda badan gaysatay, waxaana wadarta guud ay gaaraysaa 4,585.
Dhimashada: 2,078, Dhaawaca: 2,507, Afduubka: 729, Xariga: 5,821.
Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee shacabkan lagu dilay. Qaraxii Zoobe ee dhacay 14-kii October oo kaliya waxaa ku geeriyooday 512 qof, iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta QM ayaa lagu soo beegay iyadoo maanta caalamka laga xusayo 10-ka December, oo loo asteeyay maalinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana Soomaaliya safka hore ay ka gashay dilalka xad-gudubyada ugu badan ka dhacaan dunida.
GAROWE ONLINE