Sarkaal safaarad oo kamid ah dadka lagu dilay is-qarxinta Gelato Divino

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Lixda qof ee la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen weerarka is-miidaaminta ee maqaayada Gelato Divino ee Muqdisho waxaa ku jira dhalinyaro kamid ahaa haldoorada magaala madaxda Soomaaliya.

Bishaar Cabduqaadir Cilmi [Suufi Yar] oo kamid ahaa da'yartaas wuxuu madax ka ahaa Waaxda Xiriirka Socdaalka ee Safaarada Soomaaliya ee caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Geeridiisa wuxuu GO ka hubiyey xubno qoyskiisa ah.

Cabdirisaaq UK oo ku jira dhalinyaradaas wuxuu la shaqeynayey shirkadda Shabeel, oo ka shaqeysa arrimaha amniga kuna howlgasha Soomaaliya.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda qaraxaan uu fuliyey naftii halige isku qarxiyey banaanka maqaayadda, sidda uu GO u sheegay qof gudaha ku jiray.

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo cambaareeyay weerarkan "argagixiso" ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo asxaabta marxuumiinta.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka.

Siyaasiyiin iyo Murashaxiin madaxweyne oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si lamid ah cambaareeyay qaraxa.

Weerarkaan ayaa kusoo hagaagay xilli caasimadda Muqdisho ay isku diyaarineyso doorashooyin lagu muransan yahay qaabka loogu dareerayo maadaama murashaxiinta ay su'aal geliyeen dhexdhexaadnimada guddiyadda.

Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku xeeran doorashadan, iyaddoo uu jiro walaac iyo cabsi la xiriira in xoogaga Al-Shabaab ay saameyn ku yeelan karaan doorashada si ay uga mid noqdaan baarlamaanka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa horey u saadaalisay in ay macquul tahay in Al-Shabaab xubno ku yeelato sharci-dejinta hadii 4.5 lagu galo doorashada soo aadan iyaddoo cuskatay in kal hore ay kooxda diiwaan-gelisay odayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM