Todobo qof oo ku dhintey qarax ka dhacey magaalada Muqdishu

Image

23 August,2015 (GO)- Wararka laga helayo xarumaha caafimaadka magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in todoba qof  ku dhinteen qarax xalay ka dhacay halka loo yaqaaab isgoyska Jubba.

Mas'uuliyiinta goobaha caafimaad ayaa sheegay in sideed qof oo dhaawac ah la keenay isbitaalada Muqdisho halka sadex ka mid ah ay qabeen dhaawacyo halis ah .

Qaraxii xalay ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ayaa loo adeegsaday baabuur nooca Noohada loo Yaqaan oo lasoo dhigay meel u dhow meherad laga cunteeyo .

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM