Wararkii ugu dambeeyay Banaabaxa looga soo horjeedo shirka shidaalka ee London

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Waxaa magaaladda London ka socda banaanbax ballaaran, oo looga soo horjeedo Shirka looga hadlayo Shidaalka Somalia, kaasoo la sheegay in lagu beecinayo si xaraash kheyraadka dalka.

Shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Spectrum ayaa soo qaban-qaabisay Shirka London, iyadoo ku casuuntay wafdi ka socda dowladda Federaalka, oo uu hogaaminayo wasiirka Batroolka, C/rashiid Maxamed Axmed.

Spectrum ayaa sahmin ku sameysa goobaha uu ku jiro Shidaalka Somalia, iyadoo xogtaasi ay usoo bandhigayso Shirkado daneeya maalgashiga Shidaalka dalka, kuwaasoo la sheegay in laga iibinayo ruqsado.

Villa Somalia ayaa beenisay in Shirka lagu iibinyo Shidaalka, iyadoo sheegtay in ujeedka loo qabanayo ay tahay in lagu soo bandhigyo natiijadda baaritaanka lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM