Kheyre oo Muqdisho ka furey Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow ka furey Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane.

Kheyre ayaa khudbadiisa diiradda ku saarey waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isagoo uguu baaqey dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka inay maalgashi ku sameeyaan dalka, islamarkaana kaalintooda ka qaataan dib usoo kabashada dalka.

Shirkan oo ah midkiisii ugu horeeyay oo lagu qabto Soomaaliya tan iyo markii la aas-aasay Kooxdan 10 sano kahor, waxaana lagu soo waramayaa in qaar kamid ah wufuudda 15-ka dal ee la sugayay ay ka baaqdeen ka qeybgalkiisa.

Horey waxaa loogu qaban jirey Shirka Kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC magaalada New York, ee dalka Mareykanka, waxaana dedaal ay sameysay Wasaraadda arrimaha dibadda Xukuumadda lagu guuleysty in lagu qabto Caasimadda.

Waxa uu kusoo beegmayaa shirka xilli khilaaf siyaasadeed xooggan uu dheexayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, oo dhawaan shaaciyay inay dhisanayaan ciidamo u gaar ah, kuna dhawaaqay shir weyne qaran.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM