Trump oo safiirro cusub u magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga xilli xiisadda Badda Cas sii kordheyso

Image

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay musharraxiinta safiirrada Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Devin Kennington loo magacaabay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Junaid Munir loo magacaabay Jabuuti, halka xildhibaan Wesley Hunt loo xushay safiirka Sacuudi Carabiya. Magacaabistooda waxaa loo gudbiyey Aqalka Senate-ka, oo ay tahay inuu ansixiyo ka hor inta aysan xilalka la wareegin.

Kennington waa diblomaasi Mareykan ah oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Wuxuu hore uga soo shaqeeyey safaaradaha Mareykanka ee Brazil iyo Jabuuti, iyo qunsuliyadda Hong Kong. Waxa uu dhowaan madax ka ahaa waaxda Harooyinka Waaweyn ee Afrika, isagoo sidoo kale qaabilsanaa arrimaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Inkasta oo uu khibrad u leeyahay Afrika iyo Geeska Afrika, lama hayo xil hore oo uu si gaar ah uga soo qabtay arrimaha Soomaaliya.

Junaid Munir waa diblomaasi sare oo shaqada diblomaasiyadda ku biiray sannadkii 2004. Wuxuu hadda sii-hayaha xilka safiirka Mareykanka ka yahay Côte d’Ivoire, wuxuuna hore uga soo shaqeeyey Yemen, Cumaan, Sacuudi Carabiya, Algeria, France, Pakistan iyo Syria. Munir wuxuu ku hadlaa Carabi, Faransiis iyo Urdu, isaga oo khibrad ballaaran u leh Bariga Dhexe, Afrika iyo dunida Muslimka.

Wesley Hunt waa xildhibaan Jamhuuri ah oo laga soo doorto gobolka Texas, horena uga tirsanaa ciidamada Mareykanka. Wuxuu ka baxay kulliyadda ciidamada ee West Point, wuxuuna ahaa duuliye diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Apache. Hunt wuxuu ka soo shaqeeyey Iraq, sidoo kalena laba jeer ayaa Sacuudi Carabiya loo diray isagoo ahaa sarkaal xiriiriye diblomaasiyadeed. Hunt waa magacaabis siyaasadeed, halka Kennington iyo Munir ay yihiin diblomaasiyiin xirfadlayaal ah.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo Mareykanku wajahayo caqabado isa soo taraya oo la xiriira amniga marin-biyoodka Badda Cas, colaadda Yemen, weerarrada Xuutiyiinta iyo loollanka quwadaha shisheeye ee Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM