​Turkiga, Ethiopia iyo Kenya oo soo dhaweeyay doorashada Farmajo

Image

MUQDISHU, Somalia- Tan iyo doorashadii xalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo, waxaa isa soo taraysa hambalyada iyo bogaadinta ay dirayaan qaar kamid ah dowladaha daneeya Arrimaha Somalia.

Qoraalo kasoo baxay dalal ay kamid yihiin Maraykanka, Turkiga, Kenya iyo Ethoipia ayaa lagu taageeray doorashadii ka dhacday magalada Muqdishu.

Wakaaladda wararka Anadolu ee dalka Turkiga ayaa baahisay in Madaxweyne Erdogan uu khadka taleefonka kula xariiray Farmajo wax yar uun kadib markii la doortay isagoo ugu hambalyeeyay guushiisa, wuxuuna sidoo kale ka dalbaday inuu soo celiyo xasiloonida iyo kala dambayntii lagu yaqaanay Somalia.

Xukuumadda Ethiopia ayaa sidoo kale soo dhaweysay doorashada Farmaajo, waxayna sheegtay Somalia ku tilaabsatay hormar ka dhigan guul uu gaaray gobolka iyagoo ka codsaday inuu horseed ka noqdo sidii Somalia u hanan lahayd amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

Dalka Ethiopia ayaa waxa lagu eedeeyey in si toos ah faragalin ugu haysay Doorashadii Somalia iyadoo ka shaqeyneysay sidii madaxweyne Xasan Shiikh dib loogu soo dooran lahaa.

Waxaa sidoo kale kamid ahaa waddamadii taageeray doorashada Farmaajo, dalka Kenya oo kamid ah waddamada ciidamadoodu joogaan Somalia, xukuumadda Nairobi sidoo kale ammaantay doorashadii shalay dhacday iyadoo xustay inay tahay mid gali doonta taariikhda.

Magaalada Nairobi ayaa xalad dadkii ku nool ay isu soo baxeen gaar ahaan kuwa Somalida iyadoo xaafadda Islii ay noqotay goob aan laga seexan.

Guushan Farmajo, ayaa wali laga dareemayaa guud ahaan Somalia, waxaana socda dabaal dagyo lagu ammaanayo guushiisa iyadoo waddooyinka magaalooyinka waaweyn isugu soo baxeen dad jilbaysan oo ku faraxsan doorashada Ra'isal wasaarihii hore dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM