Turkiga oo ansixiyey mooshin la xiriira Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Baarlamaanka Turkiga ayaa Talaadadii wuxuu meelmariyey muddo kordhin loo sameeyo ciidamadda waddankaas ka jooga Gacanka Cad, Soomaaliya iyo Badda Carabta, sidda ay warisay saxaafada maxaliga ah.

Xildhibaanadda ayaa ansixiyey mooshinkaan oo xeerinaya in ciidamadda ay baaqi kusii ahaadaan aagagaas illaa 10-ka bisha Febraayo sanadka 2022-ka.

Tan iyo markii mudaneyaasha ay ogolaadeen mooshinkaan 2008-dii xilligaas oo ahayd waqtigii ugu horeysay, waxaa la cusbooneysiiyey 13 jeer.

Gacanka Cadan oo ku dhow Yemen iyo Marinka Bab el-Mandab, waa aaga afraad ee ugu weyn ee caalamka ayna maraan maraakiibta shidaalka ee kusii jeeda Bariga Dhexe, waxaana ahmiyad uu u leeyahay wadamadda aduunka.

Badda Carbeed iyo Soomaaliya oo ah dal ku taala Bariga Afrika ayaa dhankooda waxay marin u sii yihiin wadamadda Khaliijka iyo Marinka Bab el-Mandab.

Ciidamadda ka jooga Turkiga ayaa inta la og-yahay waxay tababaraan dhigooda Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Gorgor iyo booliska Haramcad.

Ankara ayaa gacansaar dhow waxay la leedahay maamulka madaxweyne Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga uu dhamaad yahay isla markaana la kulmaya mucaaridid xoogan oo la doonayo waayihiisa lagu soo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM