Turkiga oo baaq u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

ANKARA, Turkey – Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in ay ka walaacsan tahay is afgarad la’aan ka dhex jirta dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka.

"Waxaan ka walaacsanahay in is afgarad la 'aan ilaa iyo hada ka dhex jirta daneeyayaasha arimaha doorashooyinka Soomaaliya ay carqaladeyn karto rajada dadka Soomaaliyeed ee horumarka dalkooda, iyo sidoo kale in la gaaro nabad iyo barwaaqo," ayay wasaaraddu ku tiri war qoraal ah.

Qoraalka ayaa wuxuu intaas kusii daray in Turkiga uu ku casuumay dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay isku yimaadaan oo ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal loo dhan yahay oo wax ku ool ah oo salka ku haya is afgaradkii la gaaray Sebtember 17, 2020.

“Waxaan xoojineynaa muhiimadda ay leedahay in doorashada la qabto iyadoo aan dib loo dhigin. Waxaan mar kale ku celineynaa taageerada aan siineyno shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ee saaxiibadeena iyo walaalaheena ah si looga gudbo ismari waaga sida ugu dhaqsiyaha badan," ayaa la raaciyey qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu wajahay dhibaato hoggaamineed bilowgii bishii Febraayo maadaama xilligiisii dhammaaday iyadoo aan lahayn waddo cad oo loo maro doorashooyinka. Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka wuxuu caddeeyay in aysan dib dambe u aqoonsanayn sharaciyadisa.

Isbahaysiga mucaaradka waxay ku boorriyeen Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo], inuu "ixtiraamo dastuurka" isagoo dhinac istaagaya una oggolaanaya in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo.

Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay qabato doorashooyin loo-dhan-yahay laguna doorto madaxweynaha xiga Febraayo 8 balse waqtigii loogu talagalay waa la dhaafay maadaama dowladda dhexe iyo dowladaha federaalka ay ku guuldareysteen in ay xal waara ka gaaraan khilaafka doorashooyinka.

Dalka wuxuu hadda wajahayaa qalalaase dastuuri ah oo ay weheliyaan weeraro ka imaanaya kooxaha argagixisadda, duullaan Ayax ah iyo cunno yari ba'an si gaar ah gobolka Gedo oo xudun u ah khilaafka doorashadda oo abaaro ka jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM

Mareykanka oo ka qeyb-galay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wasaaradda ayaa xustay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin AFRICOM.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 09:47AM