Turkiga oo Farmaajo kala hadlay adeegsiga ciidanka Gorgor

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay March 8,2021 ka soo dagay ciidamo lagu soo tababarey dalka Turkiga. Ciidankaan oo si gaar ah u tababaran ayaa waxay ka tirsan yihiin guutada 15-aad ee Gorgor.

Dowlada Turkiga ayaa kamid wadamada qaybta ka qaata dib u dhiska ciidamada Soomaaliya. Ciidamada Gorgor iyo Harmacad ayaa ah kuwa ugu magac dheer kuwaas oo Ankara ay si gaar ah gacanta ugu hayso tan iyo tababarkooda.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamad Cabdulahi Farmajo ayaa lagu eedeeyaa in dowladiisa ay ciidamadaan u weecin sidii dalka ay uga xoreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab iyo iney ilaaliyaan badqabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalka.

Sidda ay ku doodayaan dadka qaarkii, waxaa loo isticmaaley iney ka qabsadaan gobol Gedo maamulka Jubaland halka ay qayb weyn ka qaateen in kursiga saaraan qaar ka tirsan madaxweynayaasha maamul goboleedyada gacan saarka la leh Villa Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowlada Turkiga Madaxweyne Farmajo kala hadashay qaabka loo isticmaalayo ciidamada Gorgor oo u tababaran sidda Danab iyadoo uu jiro welwel ah in Villa Somalia ciidankaan u isticmaasho sidii kursigaan u sii haysan laheyd.

Jariidada Washington Post ayaa shaacisay in sarkaal Mareykan ah oo diidey in magaciisa la adeegsado uu sheegey in Madaxweynhii hore dowlada Somalia Maxamad Cabdulahi Farmaajo loo diidey in ciidamada Danab u isticmaalo ka hortaga mudaharaadyadii musharaxiinta mucaaradka ah ka dhigi lahaayeen Muqdisho.

Ciidamada Danab ayaa waxaa tababar siiyey dalka Mareykanka, waxaana ay ka qeyb-qaataan howlgaladda dhanka dhulka ee ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka howlgalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM