Turkiga oo Muqdisho ka dhisaya warshad soo saareysa dharka ciidanka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka oo leh tixraan fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah, ayaa meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhimaado dhismah ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo billaawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda, waxa uuna faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka, qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta ciidanka.

Wasiirka difaaca, Taliya ciidanka xoogga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda soo saaraysa dharka ciidanka qalabka sida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM